Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Wasaardda Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareyo Guuto. Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Yuusuf Cali iyo Wafdi 2xildhibaanno ah oo ka socday Baarlamaanka Dowladaha Yurub ay hoggaamineysay Nathalie LOISEAU ayaa booqday Xarunta Ilaalada Xeebaha Booliska Soomaaliyeed.
Booqashada, waxaa qeyb ka ahaa Madaxa Hawlgalka Tayeynta Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP).
Ujeeddada Booqashada ayaa ahayd si loo muujiyo horumarka Soomaaliya ee dhanka Ilaalada Xeebaha Booliska iyo taageerada ay Midowga Yurub u fidiyaan Dalka Soomaaliya gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Sare u qaadista iyo Xoojinta taageerada la siiyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay kaalin muhiim ah ka qaadan doontaa nabad ku soo dabaalidda Dalka iyo Horumarinta Adeegyada Booliska uu siiyo Bulshada ku dhaqan Dalkeenna.