Thursday, September 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Hodan oo u gudbay wareegga Afar dhamaadka ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 14, 2023
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 25-aad ee wareegga saddexaad ku tartamay Degmooyinka Waaberi iyo Hodan oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Waaberi iyo Hodan ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

September 3, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan

September 3, 2025

Waaberi

Tartameyaasha Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal oo kaliya,  halka ay iska qaldeen Shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Waaberi ay heleen waxay noqotay Afar (04) dhibcood.

Hodan

Tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Waaberi, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Hodan waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 25-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Afar dhamaadka ( Semi final) u soo gudbay tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 26-aad ee tartanka waxaa ku tartami doona degmooyinka Gaalkacyo iyo Deyniile oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Banaadir.

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Afar dhamaadka ee tartanka

Next Post

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Tababar u soo xiray Ciidanka gaarka ah ee madaxtooyada

Next Post
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Tababar u soo xiray Ciidanka gaarka ah ee madaxtooyada

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Tababar u soo xiray Ciidanka gaarka ah ee madaxtooyada

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

September 3, 2025
0

Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib u Dhiska ayaa xarunteeda ku martigelisay kulan muhiim ah oo wada-tashi ah, kaas oo...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan

September 3, 2025
0

Howlgal si gaar ah loo qorsheeyay, oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha Midowga Yurub iyo Netherland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha Midowga Yurub iyo Netherland

September 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka cusub ee...

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi caafimaad

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi caafimaad

September 3, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, oo ka mid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In