Friday, May 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Salaadda Ciidda la oogay Kumannaan shacab ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Salaadda Ciidda la oogay Kumannaan shacab ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciidda,  kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta iyo howlwadeennnada dowladda.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga oo astaan u ah is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah.

Related posts

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

May 14, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

May 14, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baraarujiyey dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqamada wanaagsan ee lagu dadaalayey muddadii lagu guda jiray Bishii Ramadaan, kuwaas oo xoojinaya is-caawinta bulshada, walaalnimada iyo hufnaanta nafta.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciimada Qalabka Sida, oo xaqiijiyey amniga dalka muddadii lagu gudajiray bisha Ramadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay ahmiyadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay farxadda Ciidda deeq siiyaan dadka danyarta ah, ayaa Alle ka baryey in dalkeenna uu ku mannaysto naxariis, horumar iyo barwaaqo.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay  munaasabadda Ciidul Fidriga

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dadweyne farxadda ciidul fitriga kula qaatay Xeebta Liido “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dadweyne farxadda ciidul fitriga kula qaatay Xeebta Liido “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dadweyne farxadda ciidul fitriga kula qaatay Xeebta Liido "SAWIRRO"

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

May 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb. Wafdiga uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka XDS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

May 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

May 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid...

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

May 14, 2026
0

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka dhallinyarada Tala Qaran, Cabduwali Cusmaan Cabdi ayaa bogaadiyay sida habsamida leh ee ay u dhaceen doorashooyinka isku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In