Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb-galay daah furka Bandhigga Buugaagta Djibouti 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb-galay daah furka Bandhigga Buugaagta Djibouti 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuryadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta magaalada Djibouti si rasmi ah uga furay Bandhigga Buugaagta Djibouti ee sannadkan 2023-ka, iyadoo Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliyana lagu martiqaadey ka qeybgalka munaasabbadaasi.

Bandhigga Buugaagta ee Djbouti ayaa sidoo kale lagu soo beegay Maalinta Buugaagta iyo Xuquuqda Daabacaadda ama Wax Qorista Adduunka – oo ah maalin ay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) u astaysay laga soo bilaabo 1995-kii, si loogu dabaaldego ka faa’iideysiga akhriska iyo buugaagta.

Related posts

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026
DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama oo Madaxweynaha kala qeybgaley furitaanka bandhigga ayaa ugu horeyn hambalyo kal iyo laab ah u diray dalka aynu walaalaha iyo deriskaba nahay ee Jamhuuriyadda Djibouti, sida ay u garteen muhimadda qiimaha waxbarashada, xuquuqda daabacaada, buugaagta, cilmi baarista iyo aqoonta ay u leeyihiin horumarinta bulshada ,iyadoo aanay ku koobneyn Jabuuti oo keliya ee balse ay tahay aalad ay adeegsan karaan dhammaan dadywoga ku dhaqan Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Hal ku dhigga sannadkan ee Bandhiga Buugaagta ee Djibouti ayaa ah “Buuggu Waa Tilmaan Midnimo iyo Tebiyaha Cilmiga, Nabadda iyo Wada Noolaanshaha Geeska Afrika.”, waxaana ii Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis sheegay in hal ku dhiggan uu tilmaamayo baaq ku aaddan iskaashiga iyo wadashaqeynta dhabta ah ee ka dhexeeya waddamada Geeska Afrika oo ku salaysan aqoon wadaagga. “ Maadaama aanu isku wada waafaqsanahay in aqoontu tahay awood, laakiin waxaa iyana muhiim ah in la wadaago aqoontaas oo ah furaha furaha ka faa’iideysiga awooddaas baaxadda leh. Waxaa marka uu waajib naga wada saran yahay inaan abuurno jawi u oggolaanaya akhriska, qoraalka, xuquuqda daabacaadda, waxbarashada, cilmi-baarista iyo aqoonta oo la wadaago si loo horumariyo danaha muwaadiniinta iyo guud ahaan gobolka” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti gaarsiiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa uga mahadceliyay Soomaaliya ka soo qeybgalka bandhiggan, waxaana uu dhankiisa salaan gaar ah iyo bogaadin u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya iyo shacabka intaba.

Bandhiggan ka dhacaya Djibouti ayaa kulminaya aqoonyanno gobolka Geeska Afrika ka socda iyo dunida inteeda kale.

Previous Post

Ergeyga Gaarka ah ee Muhaajiriinta oo walaac ka muujisay xaaladda Suudaan

Next Post

Goobaha lagu isticmaalo wax-yaabaha Anshaxa liddiga ku ah oo amar laga soo saarey

Next Post
Goobaha lagu isticmaalo wax-yaabaha Anshaxa liddiga ku ah oo amar laga soo saarey

Goobaha lagu isticmaalo wax-yaabaha Anshaxa liddiga ku ah oo amar laga soo saarey

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ayaa kulan wadajir ah ku ansixiyay Dastuurka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha, taasoo si...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

March 4, 2026
0

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir...

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In