Maamulada shirkadaha Isgaarsiinta Bariga Afrika ayaa Magaalada Nirobi ee Dalka Kenya ku soo gabagabeeyay shir sanadle ah oo ay ka qeyb-galeen xubno matalayey Dalka Soomaaliya.
Shirkaan oo ah kii labaad ee la qabto laga soo bilaabo 2015-kii,waxaa ka qeybgalay shirkado ka socday dalka Soomaaliya sida Somtel iyo kuwo kale oo ay kamid ahaayeen safari com Airtell,MTM, Chine mobile iyo kuwo kale.
Shirka ayaa mudadii uu socday looga hadlay iskaashiga heyadaha isgaasrsiinta iyo sidii la isu dhaafsan lahaa adeegyada lagama maarmaanka u ah dadweynaha.
Maamulaha Shirkadda Somtel ee Soomaaliya Aadan Xaaji Yuusuf Ibraahim,ayaa kamid ahaa mas’uliyiintii ka socday shirkadaha isgaarsiinta ee Soomaaliya.