Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiira Caafimaadka XFS oo Dowladda Hindiya kala hadlay arrimo muhiima

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiira Caafimaadka XFS oo Dowladda Hindiya kala hadlay arrimo muhiima
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Xaaji Aadan Abuukar iyo Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Hindiya, Mudane Axmed Cali Daahir ayaa kulan casho ah la qaatay, Dr. Pradeep Rajpurohit. Xoghayaha Guud (Galbeed Aasiya, Waqooyiga & Bariga Afrika), ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Dowladda Hindiya.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa, Qunsulka ahna Ku-xigeenka Safiirka Mudane Abdifafah Abdullahi Nur iyo Mudane Axmed Aadan Maxamed lataliye sarre ee idaamka caafimaadka.

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

Kulanka qodobadii looga hadlay waxaa ka mid ahaa in dowladda Hindiya dadka Soomaaliyeed u fududeeyso fiisooyinka (visa)caafimaadka gaar ahaan dadka ku sugan xaaladaha deg deg ah oo aan awoodin in ay safraan.

In dowladda Hindiya Soomaaliya ka fuliso adeeg caafimaad oo dib u kabasho loogu sameynayo dadka addimahooda ku waayay dagaalada ka dhaca Soomaaliya gaar ahaan lugaha (Artificial Limps ), iyadoo marka koobaad lagu billaabi doono tiro gaareysa shan boqol oo bukaan in looga faa’iideeyo helida lugo macmal ah.

In dowaladda Hindiya ay sidoo kale ugu deeqi doonto Soomaaliya shixnado daawo iyo qalab caafimaad ah oo lagu caawin doono dadka Soomaaliyeed gaar ahaan goobaha dagaalada xooggan ay ka wadaan ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dhankale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada wafdigiisa iyo Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Hindiya ayaa booqasho ku tagay cisbitaalka APPOLA ee ku yaala magaalada New Delhi ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee cisbitaalka, wasiirka ayaa kala hadlay maamulka cisbitaalka in dadka Soomaaliyeed ee caafimaadka usoo doonata laga ilaaliyo ka faa’iidaysiga isla markaana la siiyo adeegyo hufan kana codsady in loo sameeyo bukaannada soomaaliyeed macaamil gaar ah oo dhinacyada dhaqaalaha ah, dhammaan maamulka cisbitaalka ayaa ballan qaaday in ay si deg deg ah uga jawaabi doonaan codsiyada wasiirka.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku guda jiraan booqashadooda rasmiga ah ee dalka Hindiya ayaa kulamo kala duwan la qaatay hey’addaha caafimaadka dalka Hindiya.

Previous Post

Shirka Isgaarsiinta Bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Kenya

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo xalay kormeer ku tagey xeryaha ay ku nool yihiin dadka danyarta ah

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo xalay kormeer ku tagey xeryaha ay ku nool yihiin dadka danyarta ah

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo xalay kormeer ku tagey xeryaha ay ku nool yihiin dadka danyarta ah

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In