Tuesday, April 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Morocco kaga qeybgalay Shirka Sanadlaha ah Hey’addaha Maaliyadda Carabta

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS oo Morocco kaga qeybgalay Shirka Sanadlaha ah Hey’addaha Maaliyadda Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan dalka Morocco,ayaa ka qeybgalay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’addaha Maaliyadda Carabta. Shirkaan oo ka furmay magaalada Rabaat ee dalka Morocco ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha dhaqaalaha iyo iskaashiga Hey’addaha dhaqaalaha dalalka Carabta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, ayaa la waddaagay Hey’addaha iyo Dowladdaha ka soo qeybgalay shirkaan arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda.

Related posts

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

April 7, 2026
Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

April 7, 2026

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi M. Nuur, ayaa sheegay inuu ku booriyay Wasiiradda Jaamacadda Carabta ee dhiggiisa ah iyo Hey’addaha kale ee Maaliyadda Carabta in ay sii waddaan garab istaaga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

“Waxa aan maanta ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Hey’addaha Maaliyadda Dalalka Carabta oo maanta ka furmay magaalada Rabat ee Boqortooyada Morocco. Waxa aan sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda dowladaha iyo kuwa hey’adaha maaliyadda Carbeed, waxa aan warbixin ka siiyay arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka.

Waxa aan ku booriyay Wasiiradda Maaliyadda Carabta ee dhiggayga ah iyo Hey’addaha kale ee Maaliyadda ee carbeed in ay sii wadaan garab istaaga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doono inta uu shirku socodo Wasiirada dhiggiisa ah iyo Madaxda Hey’adaha Maaliyadda Jaamacadda Carabta ee shir ku sugan. Dowladdo iyo Hey’addo dhaqaale oo ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa Soomaaliya ku leh Mallaayiin Doollar oo lacago deymo ah.



Previous Post

Tartamayaashii Dagmada Gaalkacyo oo shahaado sharaf la guddoosiiyay

Next Post

Wasiirka Ganacsiga oo Agaasime Waaxeedyada kula dardaarmay dedejinta sharciyada muhiim ka ah “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Ganacsiga oo Agaasime Waaxeedyada kula dardaarmay dedejinta sharciyada muhiim ka ah “SAWIRRO”

Wasiirka Ganacsiga oo Agaasime Waaxeedyada kula dardaarmay dedejinta sharciyada muhiim ka ah "SAWIRRO"

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Maamulka Degmada, ahna Duqa magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku...

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

April 7, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaan...

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Somalia Defence Minister Visits AUSSOM Sector 3

April 6, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, visited the headquarters of Sector 3...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In