Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Washington Post ku beeniyay in Washington ay uga digtay dalkiisa in la faafiyo dukumentiyadii sir ahaa ee sida la sheegay ay ku jireen macluumaadyo xasaasi ah oo ku saabsan Ukraine, ka hor inta aan warkan gaarin warbaahinta.
Zelensky, ayaa ku yiri waraysi uu bixiyay Isniintii la soo dhaafay “Ma aanan helin wax xog ah oo ay nala wadageen Aqalka Cad iyo Pentagon-ka, ma hayno xogtaas. shakhsi ahaana leyguma wargelin, waana ka xunanahay sida noogala been sheegay.”
Afhayeenka Waaxda Difaaca Pentagon-ka Mareykanka oo wareysi siiyay CNN, ma uusan xaqiijin mana beenin hadallada madaxweyne Zelensky, balse waxuu xoogga saaray ka hadalka sida Mareykanka ay uga go’an tahay la shaqeynta Ukraine iyo xulafada caalamiga ah si loo xaqiijiyo in Kiev ay hesho kaalmo Military.
“Dhanka Washington waxaa nooga muuqda gaabis ku aaddan ka digista faafinta sirta dukumentiyadan, taana uma wanaagsana sumcadda Aqalka Cad,” ayuu Zelensky ku yiri wargeysigiisa.
Faafinta dukumentiyadan ayaa keentay su’aalo ku saabsan sababta uu shaqaale hoose oo ka tirsan Ilaalada Qaranka Mareykanka uu u helay sirahaas loo arko inay waxyeello u geysan karaan ammaanka qaran ee Mareykanka.