Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanninimada, Martin Griffiths, ayaa maanta oo Arbaca ah gaaray dalka Suudaan, oo ay dagaallo ka socdaan muddo Sedax toddobaad ah, taasi oo u dhexeysa Militariga Suudaan iyo ciidamada taageerada degdega ah.
“Waxaan maanta gaaray Port Sudan, si loo xaqiijiyo ka go’naanta Qaramada Midoobay wax ka qabashada xaaladda dadka reer Suudaan iyo in aan dhiira galinno arrimaha bani’aadannimada iyo mutadawiciinta maxalliga ah.” Ayuu bartiisa Twitter-ka ku qoray Martin Griffiths.
Safarka ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanninimada, ayaa ku soo aadaya xilli xabbad joojinta aan cago badan ku taagneen lagu dhawaaqay, inkastoo diyaaradaha ciidamada Suudaan ayaa dul heehaabayay magaalada Khartuum.
Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadyo cusub maanta ay ka dhaceen agagaarka madaxtooyada Suudaan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Taageerada deg-dega ah.