Guddoomiyeyaasha Dhallinyarada Degmooyinka Gobalka Banaadir oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobalka Banaadir Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa Xaruntooda Dhallinyarada Gobolka ee Degmada Shangaani kulan Mahadcelin ah ugu sameynay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobalka Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh),
Guddoomiye Yabooh oo horay kulamo ula qaatay Guddoomiyeyaasha Dhallinyarada Gobalka Banaadir ayey ugudbiyeen tabashooyin ay qabeen oo ah dhanka xuquuqda shaqaalenimo iyo mid dhaqaale intaba.
Guddoomiye Yabooh ayaa tabashadaas u gudbiyay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale isla markaana si dhaqsi leh looga soo jawaabay, Iyadoo Guddoomiyaasha Dhallinyarada Degmooyinku maanta la mid yihiin mas’uuliyiinta kale ee Degmooyinka.
Ugu danbeyn Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Mohamed Ahmed Yabooh ayaa Gudoomiyaasha Dhalinyarada Degmooyinka Gobalka Banaadir ku bogaadiyey in si wanaagsan loola shaqeeyo Masuuliyiinta Degmooyinka si gaar ah Saraakiisha Amniga si loo xaqiijiyo Amniga caasimadda.