Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaan maanta booqday Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Galmudug ee Magaalada Dhusamareeb.
Madaxweyne Ku-xigeenka Galgmudug ayaa waxaa Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ku soo dhaweyay Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Xaashi Dhoore iyo Agaasimaha Waaxda Imtixanaadka iyo waxda Maaliyadda.
Mudane Daahir Ciid ayaa soo kormeeray Waxda Imtixaanadka ee Wasaaradda oo hadda ku jirta u diyaar garowga Imtixaanka Dugsiyada Hoose, dhexe ee Galmudug oo ay sanadkan u fadhisan doonan in ka badan Shan kun oo arday guud ahaan Galmudug.
Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug waxa uu kormeeray Dhismaha cusub ee Wasaradda Waxbarashada Galmudug oo dhawaan xariga laga jari doono, waxaana uu Wasiirka Wasaradda Waxbarashada Galmudug ku amanay horumarka uu gaarsiiyay Wasaaradda Waxbarashada Galmudug.