Thursday, October 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qeybgaley maalinta Midnimada iyo Nabadda ee Yurub oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qeybgaley maalinta Midnimada iyo Nabadda ee Yurub oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb-galay munaasabad ku saabsan Maalinta Midnimada iyo Nabadda ee Yurub ayaa ugu hambalyeeyey maalintan taariikhiga ah ee muujinaysa qiimaha ay leedahay iskaashiga dalalka, daris-wanaagga iyo wax-wada qabsiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Midowga Yurub uu tusaale u yahay ururrada iskaashi iyo goboleed ee caalamka intiisa kale, maadaama ay dhabbaha u xaareen walaalnimo iyo wada-nolaasho shucuubta qaaraddaas, awood maamul iyo mid dhaqaalena ay ku heleen midnimadooda, taas oo waxtarkeedu uu gaaray dalal badan oo soo kobcaya oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“Waxaana ka mahadnaqayaa fursaddan aan u helay in aan bogaadiyo taageerada hagar la’aaneed ee Midowga Yurub ku bixiyo horumarka iyo baraaraha Soomaaliya. Taageerada Midowga Yurub ee dhanka amniga, caafimaadka, waxbarashada, dowladnimada, arrimaha gargaarka IWM, ayaa ah mid loo aayey.”

Ra’iisu Wasaare Xamse ayaa xusay in qorshaha-wadashaqeyneed ee labada sano ee socota ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay dhawaan kala saxiixdeen uu ka tarjumaya mudnaanta ay xukuumaddiisu siinayso xiriirka labada dhinac iyo sida ay muhiimka u tahay in marxaladdan la xoojiyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Taageeradiinnu waxay mahuraan u tahay dhismaha nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhalata Soomaaliya, taas oo dhanka kale ka qaybqaadaneysa kobaca iyo horumarka dalka. Dowladdeyda waxaa ka go’an dhisidda hay’ado qaran oo wax-ku-ool ah, islamartkaana kulansaday karti iyo hufnaan”.

Dhankooda, Midwoga Yurub ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ka qeyb-galka munaasabaddooda sannadlaha ah, waxa ayna soo dhoweeyeen Geeddi-socodka Wadashaqaynta ee dhawaan la isla ansixiyay, iyagoo ku bogaadiyey dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka dhabta ah iyo horukaca ay ku tillaabsatay, gaar ahaan xoreynta dalka, nabaddaynta iyo horumarinta.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo daahfuray madasha iskaashiga horumarinta Soomaaliya iyo beesha caalamka “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Caafimaadka XFS oo gaari loogu talagalay adeegyada caafimaad ku wareejiyay Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Caafimaadka XFS oo gaari loogu talagalay adeegyada caafimaad ku wareejiyay Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Wasiirka Caafimaadka XFS oo gaari loogu talagalay adeegyada caafimaad ku wareejiyay Gobolka Banaadir "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In