Thursday, July 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madax ka socotay hay’adda UNDP oo kormeer ku tagay Degmada Xudur

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Madax ka socotay hay’adda UNDP oo kormeer ku tagay Degmada Xudur
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Degmada Xudur mudane Cumar Cabdulaahi Maxamuud iyo Wefdi uu hoggaaminaayo oo qeyb ay ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed, La-taleyaal kasocdey Xafiiska Madaxweynaha, saraakiil ka socotey Hay’adda UNDP ayaa maanta magaalada Xudur usoo gaarey qiimeynta mashaariic kala duwan ay ka fuliyeen magaalada iyo kuwo la doonaayo inay hadda ka shaqeyaan.

1. BOOQASHADA DUGSIGA SARE EE BAKOOL, waxey ugu horreyn Wefdigu ay kormeereen Dugsi sare ee Bakool xiligaas oo ardayda kujireen Imtixaanka Sanad-Dugsiyeedka sii dhamaanaaya, waxeyna halkaasi kusoo arkeen Horumar Waxbarasho iyo ubad iftiimaya oo ku dadaalaya inay horumariyaan mustaqbalkooda Waxbarasho.

Related posts

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐮𝐠𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐮𝐠𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

July 16, 2026
Wasiirka Khayraadka Biyaha Galmudug oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda ICRC 

Wasiirka Khayraadka Biyaha Galmudug oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda ICRC 

July 16, 2026

2. XARUUNTA KORONTADA, Guddoomiyaha iyo Wefdiga Waxey booqasho ku tageen Xaruunta korontada magaalada oo la ogsoonyahey inay saameeysay Go’doonka magaalada kujirta oo aysan jirin waddo ay kusoo galo Shidaalka Korontada, Maamulka, ayaa ku howlan qorshe laga maarmaayo islamarkaasina magaalada dhowaan loo sameyn doono Solar System oo magaalada kasaari doona dhibaatada dhanka koronta la’aanta.

3. SALDHIGA-IYO XABSIGA DHEXE, Waxey kormeereen xaruunta Taliska Booliiska Soomaaliyeed ee magaalada Xudur oo sidoo kale kajirto baahi badan, waxey arkeen oo ay qiimeeyaan waxyaabaha laga maarmaanka ah ee u baahan in wax laga qabto, waxeyna warbixin ka dhageysteen Saraakiisha CIidamada Booliiska oo ka warbixiyey sida ay ku shaqeynayaan iyo daruufaha heysata, waxeyna sidoo kale Xabsiga dhexe oo burbur ba’an ka muuqata ay ku arkeen ay qorsheyn doonaan dib u dhiska.

4. CEELASHAHA BIYAHA, Biyaha ayaa kamid ah waxyaabaha intabadan Bulshada magaalada Xudur ay dhib ku qabeen helitaanka xiliyada jiilaalka, Maamulka Degmada Xudur ayaa xoogga saaraya sidii looga bixi lahaa Biyo yarida ka jirto kuna dadaalayaan helidda Biyo nadiif ah, iyagoo kaashanaya Hay’adaha sida UNDP.

5. KULANKA DHALINYARADA IYO HAWEENKA, Waxey kulan mira-dhal ah ay la qaateen Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada, waxeyna sheegeen in muhiim ay tahey shaqo abuur loo sameeynaayo dhallinyarada iyo Haweenka, waxaana ururada lagu amaaney kaalinkooda muhiimka ah ee ka shaqeynta amniga, si isxilqaan ahaana horey ugu shaqeyn jireen sugidda amaanka magaalada Xudur.

6. ISBITAALKA GUUD EE GOBOLKA BAKOOL, Saraakiisha UNDP iyo Wefdiga ayaa sidoo kale booqasho ku tageen Isbitaalkla Guud ee Gobolka Bakool oo dib u dhis iyo Ballaarin lagu sameeyey, Sidoo kalena u baahanyahey qalab iyo Daawooyin kufilan oo Bulshadu loogu adeego, Waxeyna warbixin ka dhageysteen Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Bakool oo uu u sharaxey howlaha Caafimaad ee Bulshadu u qabtaan, Isbitaalkana uu qaabilo maalinkii Bulsho aad u tira-badan oo ka imaanaya Deegaanada Gobolka Bakool.

7. XARUUNTA CUSUB EE MAAMULKA DEGMADA XUDUR, Waa xaruun cusub oo loo dhisey inay ku shaqeeyaan Gudoomiyaha iyo Maamulka Degmada Xudur, Mashruuca dhismaha Xaruunta ayaa qeyb ka ah Daadejinta Adeegyada Dowladaha Hoose, maadaama maamulka uu yahey mid ay Bulshadu soo doorteen, Hay’adda UNDP iyo JPLG oo Dowladaha hoose ka taageeraya Horuamrinta deegaanada ayaa suurtageliyay Dhismaha Xafiisyada iyo Goobaha Bulshada.

Gaba-gabadii waxey kulan la qaateen Maamulka iyo Golaha Deegaanka ee Degmada Xudur, Maamulka Gobolka Bakool oo ay ka wareysteen Xaaladda Guud ee Gobolka iyo waxyaabaha u baahan in xooga la saaro sidii wax loogu qaban lahaa.

Saraakiisha Hay’adda UNDP ayaa ku amaaney maamulka Degamda Xudur daah-furnaata iyo horumarka kasocda Magaalada Xudur ayna ku garab siin doonaan horumarinta Adeegyada Bulshada.






Previous Post

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kasoo bad-baaday dagaalada Suudan oo soo gaaray dalka 

Next Post

Agaasimaha Waaxda Farsamada Dhulka dowladda Hoose ee Xamar oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

Next Post
Agaasimaha Waaxda Farsamada Dhulka dowladda Hoose ee Xamar oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

Agaasimaha Waaxda Farsamada Dhulka dowladda Hoose ee Xamar oo xilka la wareegay "SAWIRRO"

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐮𝐠𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐮𝐠𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

July 16, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS,...

Wasiirka Khayraadka Biyaha Galmudug oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda ICRC 

Wasiirka Khayraadka Biyaha Galmudug oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda ICRC 

July 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay...

Somali National University Launches the Somali National Artificial Intelligence Centre

Somali National University Launches the Somali National Artificial Intelligence Centre

July 15, 2026
0

Somali National University (SNU) has officially launched the Somali National Artificial Intelligence Centre (SNAIC), a Centre of Excellence established to...

Somali National University Launches the Somali National Artificial Intelligence Centre

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda

July 15, 2026
0

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa maanta daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda(SNAIC), oo ah xarun loogu talagalay horumarinta cilmi-baarista, waxbarashada, hal-abuurka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In