Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.
Mas’uuliyiin katirsan labada gole ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha Jubbaland kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.