Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Saraakiil iyo Saraakiil-xigeenno ku biiraya Ciidamada Qalabka Sida oo tababar uu uga socda dalka Qatar.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay Ciidamadan rajada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay hormuud u noqodaan howlgallada socda ee xoreynta dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar doorkan ku aaddan dib u dhiska Ciidamada Cirka, Barriga iyo Badda.