Waxaa sii kordhaya weerarada islaam naceebka ku saleysan ee lagu qaadayo goobaha cibaadada, gaar ahaan masaajidada muslimiinta ay ku leeyihiin dalka Mareykanka , kuwaasi oo ay geesanayaan kooxo lagu tilmaamay cunsuriyiin islaamka neceb.
Masaajid lagu magacaabo Towfiiq oo kuyaalla magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa dab la qabadsiiyay, walina ma jiro cid falkaasi ka dambeesay oo ciidamada ammaanka ay usoo xireen.
War kasoo baxay laamaha ammaanka ee magaalada St. Paul ayaa lagu sheegay in ay baarayaan Masaajidka dab la qabadsiiyey iyo ciddii ka dambeesay, waxa ayna xuseen booliiska in falkaasi aysan jirin cid wax ku noqotay.
Masjidkan ayaa xilliga dabka la qabadsiiyay waxaa ku socday dhismo, waxaana falkan walaac xooggan ka muujiyay muslimiinta kunool dalka Mareykanka oo dowladda ugu baaqay in ay wax ka qabato weerarada lagu qaadayo masaajida.