Tuesday, August 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada oo xukunno kala duwan ku riday Askar ka tirsan Ciidanka 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
May 22, 2023
in Wararka
0
Maxkamadda Ciidamada oo xukunno kala duwan ku riday Askar ka tirsan Ciidanka 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa Maanta xukunno kala duwan ku riday askartii ka dambeysay weerarkii dhawaan ka dhacay Isgooska Siinaay ee magaalada Muqdisho,kaa oo 27-kii Bishii Febaraayo ee sanadkaan halkaa oo lagula beegsaday Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Saleemaan Maxamuud fargax, iyo askar ilaala u aheyd.

Weerarkaas, ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray, askar kamid aheyd ilaalada Guddoomiyaha degmada yaaqshiid oo isna uu dhaawac ka soo gaaray iyo dad Shacab ah oo Isgoyska ku sugnaa.

Related posts

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

August 11, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

August 11, 2025

Askariga Koowaad oo lagu Magacaabo Cabduqaadir Xasan Cabdulle Sheelaro ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, isaga oo loo heysto in uu Qoray dhashiiko ah ku dilay lix Ruux oo ay kamid ahaayeen Ilhaan Cabdijamaal Maki oo aheyd Hooyo Uur laba Bilood leh, Cabdillaahi Cabdi Maxamuud oo ahaa Darawal Gaari, Ilyaas Axmed Nuur, Ayuub Daa’uud Xuseen, Cabdikhadar Maxamed Xuseen  iyo Isaaq Xuseen Maxamuud oo ahaa darawaliinta ku Shaqeysta Mooto Bajaaj.

Axmed Mire Cismaan fiidow, Maxamuud Cabdi Maxamed, Cabdullaahi Cismaan Isaaq Ibraahim oo loo heysto inay dileen Cabdullaahi Maxamuud Huubleey iyo Daahir Xuseen Axmed Dooli oo katirsanaa Ciidamada ilaalada Guddoomiyaha degmada Yaaqshii, waxaana  lagu xukumay dil toogasho ah.

Ayaanle Maxamed Diiriye Warsame iyo Sayid Cali Cabdullaahi Abshir oo loo heysto in mid uu riday xabadii ugu horreysay midna uu isku dayay marin habaabinta Garsoorka ayaa lagu xukumay min Shan sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidoo kale min Saddex Sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdikariin Shaafici Cismaan, Cabdullaahi Cali Isxaaq, Cabdikariin Maxamed Siyaad, Cabdullaahi Xersi Geedi, Maxamed Cali Cabdullaahi oo lagu helay falal ay kamid yihiin, Handadaad, Ammar diido Ciidan iyo inay u dhaqmeen sida Maleeshiyaad oo kale.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sidoo kale siideysay Axmed Cali Axmed Maxamuud ( Macalinka) oo wax dambi ah lagu waayay sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo u Ambabaxay dalka Masar 

Next Post

La-taliyaha Madaxweynaha ee xakameenta hubka oo boggaadisay la dagaalanka hubka sharci darrada ah

Next Post
La-taliyaha Madaxweynaha ee xakameenta hubka oo boggaadisay la dagaalanka hubka sharci darrada ah

La-taliyaha Madaxweynaha ee xakameenta hubka oo boggaadisay la dagaalanka hubka sharci darrada ah

Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

August 11, 2025
0

Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Mr. Abdisalam Abdi Ali, met on Sunday evening (August 10) in Algiers...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

August 11, 2025
0

Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Mustafa Duhulow ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay Wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha...

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

August 11, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin...

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

August 11, 2025
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah waxay ku fulisay Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In