Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada Ah ee Soomaaliya Marwo Mako Maxamuud Muuse, ayaa boggasadisay howlgallada ay ciidamada amaanka kula dagaalamayaan hubka sharci darrada ah ee lagu wato magaalada Muqdisho.
Lataliyaha ayaa Sidoo kale soo dhaweysay howlgalka ciidamada hayโadda Nabad Sugidda ay ku qabteen Laba Konteenar oo Khawaarijta kusoo daabushay saanad ciidan oo ay doonayeen in shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateeyaan.
โDowladda waxey wadaa baaritaano la xariira shaqsiyaadka ka shaqeynayo dhibateenta Umadda Soomaaliyeed ee la fashiliyay iyagoo saanad Militeri u soo dejinaya Khawaarijta waxaana la hor geyn doonaa cadaaladdaโ ayey tiri Lataliye Marwo Mako.