Munaasabadaan oo aheyd mid lagu maamuusayay 70 sano guuradii ka soo wareegatay markii Dal Qaaradan Afrika ka mid ah uu xoriyadhelo ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya , waxaana ka qeyb galay oo isugu yimid diblomaasiyiinta 54ta wadan ee ay ka kooban tahay Qaaradda Afrika, ayago madasha ku soo bandhigay dhaqamadooda iyo cuntooyinka ay gaarka u leeyihiin.
Soomaaliya oo ka mid ah wadamadii xoriyadda ugu horeeyay qaata ee Qaaradda Afrika ayaa waxaa ka qeybgalay Safiirka Dowladda JFS ee Dalkan Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kenya oo wada-jira, waxa ayna halkaas ku soo bandhigeen Dhaqanka iyo Cunntooyonka ay Ummadda Soomaliyeed caanka ku tahay.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Cabdulqaadir Diini ayaa shaaraxaad ka bixiyay sida Soomaaliya muhiim ugu tahay ban-dhigaan iyo in ay wadamada kale la wadaagaan dhaqanka iyo xadaaradda Ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale qeyb weyn ka ahaa munasabadda Dowladda aan walaalalaha nahay ee Jabuuti oo ayadana halkaas ku soo ban-dhigtay dhaqaamada ay caanka ku tahay.
Ugu damebeyn waxaa ka hadlay goobta ban-dhigga Danjiraha Safaaradda Dowladda JFS ee Dalka Kenya Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ku ku dheeraaday faa’iidada iyo macnaha ay u leedahay ka Soomaaliya ahaan in ay ka soo qeyb-galaan munaasabadaan, ayna soo bandhigaan dhaqanka iyo cunnooyinka Soomaalida caanka ku tahay.