Wasiirka Gaashandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Midowga Yurub.
Wasiirka ayaa wafdiga uga warbixiyay Howlgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta iyo guulaha Ciidanka xoogga dalka ay ka gaareen.
Wasiir Jaamac ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub kaalmada joogtada ah ee uu la garab taaganyahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.