Madaxweynaha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweyey Magaalada Baraawe ee Caasimada Dowlada Goboleedyada Koonfur Galbeed.
Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose,Maamulka Caasimada Baraawe iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha Magaalo xeebedka Baraawe.
Madaxweynaha ayaa kasoo laabtay shirka Madasha Qaran oo shalay lagu soo gabagabeeyay Muqdisho,oo ayna kasoo saraan qodobo farabadan oo muhiim u ah umadda Soomaaliyeed.