Sunday, November 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye golaha Shacabka oo kulan casha ah la qaatay wafdi ka socda Jabuuti

caqiil by caqiil
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye golaha Shacabka oo kulan casha ah la qaatay wafdi ka socda Jabuuti
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay hoygiisa casha sharaf ugu sameeyay wafdiga dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka xafladda furitaanka kalfadhiga seddaxaad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ku-xigeennada Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka labada aqal ayaa ka qeyb galay kulanka casha sharafta ah, waxaana laiska xogwareystay wada shaqeynta iyo walaltinimada soo jireenka ah ee reer Jabuuti.

Related posts

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

November 16, 2025
Salaad roob-doon ah oo maanta laga oogay degmada Balcad

Salaad roob-doon ah oo maanta laga oogay degmada Balcad

November 16, 2025

Xoghayaha Xafiiska Joogtada ah ee Baarlamaanka Jabuuti Xildhibaan Saleemaan Daahir Bile ayaa ka mahadceliyay casha sharafta sida maamuska iyo  walaltinimada leh ee loogu soo dhoweeyay Muqdisho, iyagoo xusay walaalaha Jabuuti aanu marti ku aheyn Muqdisho ayna jecel yihiin nabada iyo horumarka balaaran ee uu dalka ku socdo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ugu dambeyn hadal ka jeediyay kulanka ayaa boggaadiyay wafdiga walaalaha reer Jabuuti islamarkaana ka soo qeyb galay xafladda furitaanka kalfadhiga seddaxaad ee Baarlamaanka 11-aad, isagoo xusay in ay walaltinimada reer Jabuuti ku weyn tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, lana adkeyn doono wada shaqeynta is dhexgalka bulshada, taas oo ahmiyad siinaysa amniga iyo wadajirka labada wadan.

 

Previous Post

Ciidanka xoogga dalka oo ka hortagay weerar gaadmo ah oo ay damacsanaayeen khawaarijta

Next Post

Dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan oo ku heshiiyay xabbad joojin

Next Post
Dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan oo ku heshiiyay xabbad joojin

Dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan oo ku heshiiyay xabbad joojin

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

November 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka oo maalintii 3aad ku gudajira soo bandhigidda soojeedinta...

Salaad roob-doon ah oo maanta laga oogay degmada Balcad

Salaad roob-doon ah oo maanta laga oogay degmada Balcad

November 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka iyo shacabka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta isugu soo baxay kulan ballaadhan oo ay ku...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-Baarista Beeraha Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-Baarista Beeraha Qaranka

November 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-baarista Beeraha Qaranka,...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Madaxda Hay’adda SoDMA

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Madaxda Hay’adda SoDMA

November 16, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali – Xoosh, ayaa maanta la kulmay madaxda Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In