Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cabista Sigaarka iyo isticmaalka Tubaakada waxaa ka dhasha halis Caafimaad

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Cabista Sigaarka iyo isticmaalka Tubaakada waxaa ka dhasha halis Caafimaad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo kale 31 Maajo danad walba waxaa loo asteeyay, maalinta caalamiga ah ee joojinta cabista Sigaarka iyo tubaakada, (WORLD NO TOBACCO DAY) taasoo looga gol leeyahay in bulshada caalamka looga wacyigeliyo khatarta isticmaalka tubaakada noocyadeeda kala duwan.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa diirada saartay sanadkan 2023 sidii loo joojin lahaa cabista sigaarka iyo Isticmaalka Tubaakada iyadoo hal-ku-dhigga sanadkanna uu yahay “WAXAA LOO BAAHAN YAHAY BEERISTA DALAGYADA  BEERAHA EE LOOMA BAAHNO BEERISTA TUBAAKADA “WE NEED FOOD, NOT TOBACCO” taasoo loola jeedo dhibaatada beerista tubaakadu ay u geysanayso dhanka dalagyada beeraha, deegaanka iyo bulshadaba.

Related posts

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

March 5, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

March 5, 2026

Isticmaalka Tubaakada ama cabitaanka sigaarka waxay noqon kartaa : cabista sigaarka, Siigarka, Bayb-ka, Shiishadda, tubaakada la ruugo ama la calaliyo, midda daanka la gashado, iwm. Intaasoo dhanba waa khatar haba ku kala badnaadeene.

Guud ahaan adduunyada cabista sigaarka ama isticmaalka Tubaakada waxaa lagu qiyaasaa 1.3 bilyan qof iney isticmaasho maanta. Ku dhawaad Hal bilyan (80%) waxay ku nool yihiin waddamada soo koraaya.

Cabista sigaarka wuxuu sababaa dhimasho degdeg ah ama cimri gaabad, waxaana la sheegaa in sanad walba ay u dhintaan sigaar cabista qiyaas dhan 8 milyan oo qof, in ka badan 7 milyan waa dadka si tooska ah u caba sigaarka halka 1,200,000 oo qof ay yihiin dadka sida dadban ku caba sigaarka (Second-hand Smoke).

Isticmaalka Tubaakada iyo Cabista sigaarka waxaa la sheegay iney ku jiraan in ka badan 7,000 maado oo kiimika ah oo boqolaal ka mid ah ay yihiin sun, 70 ka mid ahna ay sababi karaan cudurka halista ah ee kansarka. Waxaana ka mid ah maadooyinkaas: Tar, Arsenic, benzene, formaldehyde, carbon monoxide, amooniyo iyo qaar kaloo badan. Waxaa kaloo ku jira maadada Nicotin-ka oo sababta in la qabatimo sigaarka  jir ahaan iyo maskax ahaanba.

Dadka sigaarka caba khatarta uu u keeno waxay ku xiran tahay waqtiga dheer ee uu isticmalayey iyo xaddiga uu ka isticmaalo.

Waxaa kaloo jirta in qofka haddii uu joojiyo isticmaalka tubaakada ama sigaarka waqti hore in khatarta cudur ee uu keenayo iney sii yaraan karto.

Cabista Sigaarka & Saameynta Caafimaadka

Cabista sigaarka iyo isticmaalka tubaakada waxay sababaan 25 cudur ku dhawaad waxaana ka mid ah kuwa  ku dhaca wadnaha iyo xididdada 20-30% (Heart attack and Stroke), wuxuu kaloo sababaa cudurada sambabka ku dhaca sida Chronic Obstructive Pulmonary Disease (COPD) (Sambabka oo weynaada ama adkaada Emphysema iyo Chronic Bronchites); wuxuu kaloo sababaa cudurka kansarka ku dhaca sambabka 30-35 %. Kansarka Dhuunta iyo Afka (larynx and mouth), kansarka ku dhaca hunguri-wadeenka (Esophagus), Pancreas-ka, Caloosha, Beerka, Xametida, xiidmaha, Kaadi-heysta, Qabsinada, Ilma galeenka. Wuxuu kaloo keenaa dhalma la’aanta ragga iyo haweenka. Waxaa xusid mudan in 85% uu ragga ku keeno Caniinimo ama ragannimada uu waayo.

Haweenka uurka leh wuxuu ku keenaa in ay ilmihii dhiciso ama ay dhasho ilmo miisaan hoose ama neefqabad qaba (asphyxia) ama u horseeda dhimasho kedis ah (sudden death).

Wuxuu kaloo caawiyaa  cudurka gastritis wuxuuna badiyaa  laabjeexa joogtada (GERD), wuxuu kaloo daahiyaa bogsashadda boog calooleedka (Peptic Ulcer).

Sidoo kale sigaarka wuxuu yareeyaa dhumaca xididdada dhiigga u qaada jirka intiisa kale taasoo keeni karta in si waafi ah u gaari waayo dhiiggii ay u baahnaayeen.

Dhalinyarada da’dooda ka yartay 20 sanno, waxey 3 jeer ka badan yihiin kuwa da’doodu ka weyn tahay  20 sanno dhinaca dhimashada deg degga ah.

Xagga maskaxda wuxuu horseedaa hurdadoo yaraata, degganaansho la’aan iyo qeybta fikirka iyo xusuusta oo hoos u dhacda taasoo ka timid xididdada masakaxda oo adkaada (Arthrosclerosis). Wuxuu kaloo isbeddel ku sameeyaa dabciga iyo la dhaqanka bulshada isagoo had iyo jeer acsaabtiisa kacsan tahay.

Cabista sigaarka waxay waxyeelo u geysataa Aragga Indhaha  taasoo sababi kara indha la’aan, Maqalka dhagahana wuxuu u keenaa dhego la’aan, sidoo kale wuxuu sababaa midabdoorsiga ku dhaca Maqaarka, wuxuuna  wax yeelo u geystaa dibnaha, ciridka iyo ilkaha.

Waxyeelada Sigaarka iyo Tubaakada

Khatarta kale ee sigaar-cabistu waa qofka ka ag dhow meesha lagu cabayo (second-hand smoke) sida guryaha caruurtu  joogaan ama goobaha bulshada isugu timaaddo kuwaasoo neefsanaaya ama qaadanaaya qiiqa sigaarka agagaarkooda lagu cabaayo, kaasoo la sheegay in khatartii cuduradii la soo sheegay ay ku dhici karaan qiyaas dhan 25-30%.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO)  wuxuu horey u soo saaray Qaraar  mamnuucaaya cabista sigaarka ee goobaha bulshadu ay ku kulmaan sida: suuqyada, garoomada, goobaha waxbarashada, hotellada & maqaayadaha, basaska & baabuurta kale. Sidoo kale waxaa reebban xayeysiinta, suuq-geynta sigaarka iyo tubaakadaba  looga sameeyo Iddacadaha, telefishinnada, iyo baraha bulshada.

Waxaa kaloo jirta in canshuurta tubaakada iyo sigaarka kor loo qaado si loo yareeyo isticmaalkooda loona daryeelo caafimaadka bulshada.

Bulshada Soomaaliyeed 30kii sano ee u dambeysay oo burburka, dagaalada iyo barakaca ay jireen waxaa si xaddi leh u kordhay tirada sigaarka cabta gaar ahaan dhalinyarada da’da yar. Waxaa kaloo kordhay dadka Shiishadda isticmaala dhalinyaro iyo dad waaweyn kuwaasoo ku keeni karaaya mustaqbalka dhibaato weyn oo dhanka caafimaadka ah.

BAAQ

Waxaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa meel kastoo ay joogaan iney joojiyaan cabista sigaarka iyo isticmaalka tubaakada bacdamaa diinteenna Islaamka aysan oggoleyn in nafta la tahluukeeyo iyo iyagoo sababaaya khatartii caafimaad ee aan kor ku soo sheegnay.

W/Q/ Prof/Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle.

 

Previous Post

Mas’uuliyiin kormeeray goomaha uu ka socdo Ololaha Talaalka Cudurka Dabeysha “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamada Suudaan: Xabbad joojinta nagama hor istaagayso inaan u jawaabno maleeshiyaadka RSF

Next Post
Ciidamada Suudaan: Xabbad joojinta nagama hor istaagayso inaan u jawaabno maleeshiyaadka RSF

Ciidamada Suudaan: Xabbad joojinta nagama hor istaagayso inaan u jawaabno maleeshiyaadka RSF

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

March 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa magaalada Gaalkacyo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

March 5, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digreeto uu soo saaray waxa uu Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen u...

Golaha Wasiirrada Oo Maanta Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah oo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Oo Maanta Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah oo Muhiim ah

March 5, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxay mahadcelin iyo qaddarin weyn u muujinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Dastuurka XFS oo soo saartay Bayaan Dadweyne

March 5, 2026
0

𝐁𝐀𝐘𝐀𝐀𝐍 𝐃𝐀𝐃𝐖𝐄𝐘𝐍𝐄 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒 𝐊𝐮 𝐒𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In