Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka xasilinta Caasimadda.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghaya Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Faysal Caraale Afrax, ayaa waxaa warbixino loogu dhageystay Saraakiisha Amniga, iyagoo ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga caasimadda iyo guulaha laga gaaray howlgalada laga fuliyay Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku bogaadiyay ciidanka Xasilinta Caasimadda (Military Police) sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugidda amniga iyo ka hortagga falalka lidiga ku ah amniga, asigoo ku amaanay sida wanaagsan oo ay ula falgalaan bulshada, inta ay kujiraan howlaha sugidda Nabadgelyada Caasimadda.