Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayna qeybna ka yihiin Wasiirada Gargaarka Dowlad Goboledyada Hirshabelle iyo Galmudug ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Jubbaland.
Ujeedka Wafdigaan ayaa ah ka qeybgalka Shirka Madasha Gargaarka Dalka oo Maalinta Isniinta ah ka furmaya magaalada Kismaayo, kaas oo ay ka qeybgalayaan ,Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka, Guddoonka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ,Wasiirada Gargaarka Dowladd Goboledyada dalka, xubno ka socda Gobalka Banadir iyo wakiilada beesha caalamka.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland mudane Axmed Xasan Cumar ayaa garoonka diyaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyey wafdigaan.