Ugu yaraan 42 qof ayaa ku dhintay dalka Haiti, tiro kalana waa la la’yahay ka dib markii daadad ka dhashay roobab xooggan oo dalkaasi ka da’ay todobaadkan, sidoo kale kumannaan Guri ayaa ku dumay, sida ay shegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.
Roobab mahiigaan ah oo si isdaba jog ah ugu da’ay Haiti, ayaa sababay daadad ku soo rogmaday in kabadan Toban gobol oo ka mid ah dalkaas.
Sida laga soo xigtay warbixin ay Qaramada Midoobay diyaarisay, Roobab xooggan oo saameeyay dad gaaraya 37,000 oo qof, ayaa ka da’ay dalka Haiti.
Dhimashada ugu badan ayaa ka dhacday Deegaanka Leogane oo 40-km dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince, halkaasoo roobabki da’ay ay sababeen in saddex wabi ay ku fatahaan degaanka.
Dalka Haiti, ayaa wajahaya dhibaatooyin bini’aadannimo oo ba’an, iyada oo ku dhawaad kala bar dadka ay u baahanyahiin gargaar bini’aadannimo.