Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Md.ne Axmed Cabdi Kaariye iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray dhismaha Xarunta Laanta 4-aad ee Hay’adda oo laga hirgeliyay Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Dhismaha Xarunta Laant 4-aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa muhiimad gaar ah u leh adeegyada ay Hay’addu ka bixiso Magaalada Dhuusamareeb iyo guud ahaan deegaannada Galmudug. Dhismaha Xarunta ayaa ka jawaabi doonto baahiya adeeg ee bulshada reer Galmudug.
Agaasiamaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo furitaanka xarunta Laanta 4-aad ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha xarunta ay qeyb katahay dadaalada ay Hay’addu ku horumarineyso xarumaheeda Gobolada iyo daadajinta adeegyada ay Hay’adda Socdaalka iyo Jisniayddu ka qabato guud ahaan dalka.
Agaasiamaha Guud ee Hay’adda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa sheegay in mashruuca lagu dhisay xarunta Laanta 4-aad uu kamid yahay mashaariicda ay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu ku dhiseyso xarumaha Laamaha Hay’adda ay ku leedahay Dowlad goboleedyada. Agaasime Cabdul ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan la dhagax dhigi doonaa bar-xuduudeedka Balambal ee Gobolka Galguduud, taas oo laga dhisi doono dhisme loogu adeego dadka iyo badeecadaha isaga gudba xuduudda bar-xuduudeedka Balambal.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dhismaha ay ka dhistay Caasimadda Galmudug, isagoo sidoo kale sheegay in Madaxda Hay’adda ay ka dhabeysay balan qaadkii aan ku dhagaxdhignay.
“Waxay faraxad inoo ah maanta inaan halkaan ku xarig jarnay Xarunta Laanta 4-aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaan halkaan uga mahadcelinayaa si weyn Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda sida sharafta badan ee uu uga soo jawaabay codsigii iyo dalabki aan u gudbinay waliba sida dhaqsiyaha badan loo hirgeliyay”. Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Ugu dambeyn, Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ahaa xubna katirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka, Wasiirada dowlad Goboleedka Galmudug, Xildhibaannada Galmudug, Maamulka Gobolka Galguduud iyo Duqa Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
W/Q: Liibaan Lugcad