Wednesday, July 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo xarigga ka jaray xarunta 4-aad ee Hay’adda Socdaalka “SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 11, 2023
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo xarigga ka jaray xarunta 4-aad ee Hay’adda Socdaalka “SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Md.ne Axmed Cabdi Kaariye iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray dhismaha Xarunta Laanta 4-aad ee Hay’adda oo laga hirgeliyay Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Dhismaha Xarunta Laant 4-aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa muhiimad gaar ah u leh adeegyada ay Hay’addu ka bixiso Magaalada Dhuusamareeb iyo guud ahaan deegaannada Galmudug. Dhismaha Xarunta ayaa ka jawaabi doonto baahiya adeeg ee bulshada reer Galmudug.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

July 9, 2025
Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

July 9, 2025

Agaasiamaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo furitaanka xarunta Laanta 4-aad ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha xarunta ay qeyb katahay dadaalada ay Hay’addu ku horumarineyso xarumaheeda Gobolada iyo daadajinta adeegyada ay Hay’adda Socdaalka iyo Jisniayddu ka qabato guud ahaan dalka.

Agaasiamaha Guud ee Hay’adda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa sheegay in mashruuca lagu dhisay xarunta Laanta 4-aad uu  kamid yahay mashaariicda ay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu ku dhiseyso xarumaha Laamaha Hay’adda ay ku leedahay Dowlad goboleedyada. Agaasime Cabdul ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan la dhagax dhigi doonaa bar-xuduudeedka Balambal ee Gobolka Galguduud, taas oo laga dhisi doono dhisme loogu adeego dadka iyo badeecadaha isaga gudba xuduudda bar-xuduudeedka Balambal.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dhismaha ay ka dhistay Caasimadda Galmudug, isagoo sidoo kale sheegay in Madaxda Hay’adda ay ka dhabeysay balan qaadkii aan ku dhagaxdhignay.

“Waxay faraxad inoo ah maanta inaan halkaan ku xarig jarnay Xarunta Laanta 4-aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaan halkaan uga mahadcelinayaa si weyn Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda sida sharafta badan ee uu uga soo jawaabay codsigii iyo dalabki aan u gudbinay waliba sida dhaqsiyaha badan loo hirgeliyay”. Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Ugu dambeyn, Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ahaa xubna katirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka, Wasiirada dowlad Goboleedka Galmudug, Xildhibaannada Galmudug, Maamulka Gobolka Galguduud iyo Duqa Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

W/Q: Liibaan Lugcad

 

















Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeybgalaya shir Madaxeedka IGAD oo gaaray Jabuuti

Next Post

Shirka madaxeedka IGAD oo maanta ka furmaya Jabuuti.

Next Post
Shirka madaxeedka IGAD oo maanta ka furmaya Jabuuti.

Shirka madaxeedka IGAD oo maanta ka furmaya Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(MUQDISHO), Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay boqollaal ka mid...

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa ka qeybgalay...

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wafdi ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa  gaaray magaalada Jowhar, ee xarunta...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In