Wednesday, November 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad uu kaga hadlay guulaha ciidamada ka jeediyay meertada 14-aad ee IGAD

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya Meertada 14-aad ee shirka IGAD ayaa ka hadlay guulaha amni iyo siyaasadeed ee ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya iyo halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay si loo nabadeeyo dalka in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin muhiima oo lagula dagaalamayo kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab, lagana saaray dhul baaxad leh oo ka tirsan gobolada Shabeelooyinka, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, islamarkaana ay nabad iyo nidaam dowladeed ay ku naaloonayaan degmooyin ay kooxdu cadaadis ku haysay muddo 15-sano ah.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Kenya

November 18, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyey kulan looga hadlayay doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyey kulan looga hadlayay doorashooyinka

November 18, 2025

Madaxweynaha ayaa xusay in deegaanada iyo degmooyinka laga saaray Khawaarijta ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo lagu dhisayo adeegyada bulshada, lana xoojiyey ammaankooda, taas oo suura galisay inaysan argagixisadu dib ugu soo laaban.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale madaxda IGAD la wadaagay in dowladdu tallaabooyin u qaaday dhinaca horumarinta nidaamka dowladeed, iyadoo la joogteyanayo kulamada golaha wadatashiga Qaranka, ayna qabsoomeen ilaa 6-kulan tan iyo intii uu xafiiska Villa Somaliya dib ugu soo laabtay.

Shirkii u dambeeyey ee golaha oo qabsoomay 24-27-ka May ayuu xusay Madaxweynuhu inay ka soo baxeen go’aano muhiimah oo ay ku jirto in doorasho qof iyo cod ah dalka loo diyaariyo, islamarkaana golayaasha dowladdu ay ka shaqaynayaan hirgalinta heshiiskaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa garab istaag u muujiyey dalka aan walaalaha nahay ee Sudan oo ay colaadi ka socoto, waxaana uu madaxda dalalka ku jira urur goboleedka IGAD ku booriyey inay qaataan doorkooda nabad ku soo dabaalidda dalka Sudan iyo meelaha kale ee xasaraduhu ka jiraan.

 

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xilkii ka qaaday Wasiirka Caddaaladda

Next Post

Hay’adda SoDMA oo gargaar Beni’aadannimo gaarsiisay shacabka ku dhaqan Afmadow

Next Post
Hay’adda SoDMA oo gargaar Beni’aadannimo gaarsiisay shacabka ku dhaqan Afmadow

Hay’adda SoDMA oo gargaar Beni'aadannimo gaarsiisay shacabka ku dhaqan Afmadow

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Kenya

November 18, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ku sugan magaalada Nairobi, Caasimadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyey kulan looga hadlayay doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyey kulan looga hadlayay doorashooyinka

November 18, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir lagu gorfeynayey dhammaystirka hawlaha doorashooyinka dowladaha hoose...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

November 18, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran, oo...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay Doxa ku gaareen Kongada dimoqraadiga ah iyo jabhadda M23

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay Doxa ku gaareen Kongada dimoqraadiga ah iyo jabhadda M23

November 18, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa saxiixa heshiiska Doha Peace Framework ee u dhexeeya Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo iyo Isbahaysiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In