Dowladda Mareykanka ayaa 5 milyan oo dollar dul-dhigtay Horjooge Cabdullaahi Cusmaan Maxamed oo loo yaqaan Injineer Ismaaciil kana tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.
Mareykanka ayaa sidoo kale intaas ku daray in Cabdullaahi Cusmaan Maxamed uu sidoo kale yahay Horjoogaha Warbaahinta Khawaarijta, sidoo kalana sameeya waxyaabaha Qarxa, iyadoo balan qaaday inay madaxiisa ku bixineyso shan Milyan oo dollar ciddii xogtiisa keenta.