Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Isgaarsinta XFS oo kormeeray xarumo ay lahayd Wasaaradda si dib loo howlgeliyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Isgaarsinta XFS oo kormeeray xarumo ay lahayd Wasaaradda si dib loo howlgeliyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Khaliif ayaa maanta kormeer ku tegey xarumo dhawr ah oo ka mid ah hantida maguurtada ah ee Wasaaradda.  Xarumahaas uu Wasiirku tegey waxaa ka mid ah: Xaruntii Dugsiga Tababbarka Isgaarsiinta ee ku taal Degmada Shibis.  Sidoo kale wuxuu Wasiirku soo kormeeray Xaruntii Gaadiidka ee Wasaaradda oo ku taal Degmada C/Casiis.

Wasiirka ayaa ugu dambayntii kormeerkiisa ku soo gebagebeeyey Xaruntii Hore ee Boostada oo ku taal Degmada Xamarweyne, isagoo u kuurgalayey xaaladda ay hadda xarumahaasi ku sugan yihiin, kuwaasoo ay xilligan deggan yihiin dad barakacayaal ah.

Related posts

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

January 7, 2026
Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026

Wasaaradda ayaa ku gudajirta doorkii shaqada ee loo igmaday oo ay ka mid tahay xafidaadda iyo ka-warqabidda hantida Wasaaradda.  Waxaa Wasaaradda qorsheyaasheeda ka mid ah inay dib-u-yagleesho shaqooyinkii ay xarumahaas iyo kuwo kale oo ay Wasaaraddu xilligii burburka ka hor ka hawlgeli jirtey.

Wasaaraddu oo hiigsanaysaa kana faa’iideysanaysa horumarka laga gaaray dhanka isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, fulineysanaya halbeegyada dowladda Dan-Qaran  ayaa waxay ku talo-jirtaa in mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed loo aasaaso adeegyo ku qotoma shaqada ay u xilsaaran tahay, kuwaasoo sidoo kalena shaqo-abuur u noqon doona jiilka hanaqaaday, si ay door weyn uga qaataan dib-u-dhiska dalka.




Previous Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo daah furay shirka taabba gelinta dowlad loo dhanyahay

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha XFS oo Kampala uga qeybgalay shirka arrimaha Qaxootiga

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha XFS oo Kampala uga qeybgalay shirka arrimaha Qaxootiga

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha XFS oo Kampala uga qeybgalay shirka arrimaha Qaxootiga

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

January 7, 2026
0

Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka billowday bannaanbax ballaaran oo ay ka qeybgalayaan boqolaal qof oo ka kala yimid qeybaha bulshada,...

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In