Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo ka qeyb galay shirka 11-aad ee Madasha Nabadda Adduunka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo ka qeyb galay shirka 11-aad ee Madasha Nabadda Adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiimaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay xafladda furitaanka shirka 11-aad ee Madasha Nabadda Adduunka (WPF)  oo hal-ku-dhiggiisu yahay “Xasilinta Adduunka aan xasilloonayn, iyadoo loo marayo is-afgarad iyo iskaashi.

Shirkan oo uu furay madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda shacbiga Shiinaha Han Zheng ayaa jeediyay Khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo muhiimadda ay leedahay is afgaradka iyo iskaashiga si loo sameeyo nidaam nidaam caalami ah oo xasilloon.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Shirkan oo leh muhiimad weyn ayaa soo jeedday indhaha caalamka tan iyo markii la aas-aasay 2012, Madasha Nabadda Adduunka (WPF), oo loo aqoonsan yahay Shiinaha ee heerka sare ee madasha amniga caalamaiga ah ee aan Dowliga ahayn, waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Jaamacadda Tsinghua iyo Machadka Arrimaha Dibadda ee Dadka Shiinaha.

Iyada oo la eegayo caqabadaha caalamiga ah iyo isbeddellada socda ee caalamiga ah, WPF waxa ay ujeeddadeedu ahayd in ay kobciso wadahadal iyo in la dhiso kalsooni dhinacyada kala duwan, si wax looga qabto hubantila’aanta ka jirta dunida.

Madashan oo ay isugu yimaadeen wakiillo ka kala socda waddamo kala duwan, hay’ado caalami ah, iyo aqoonyahanno, ayaa waxaa sidoo kale, goobta waxaa lagu soo bandhigay madashu falanqeyn doodo iyo aragtiyo wax ku ool ah oo  la is dhaafsaday.

Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa u mahadceliyey Jaamacadda Tsinghua iyo Machadka Arrimaha Dibadda ee Dadka Shiinaha martigelinta  Xafladda furitaanka Madasha Nabadda Adduunka ee 11-aad. Munaasabadda ayaa muujisay inay tahay madal qiimo leh oo lagu kobcinayo iskaashiga iyo isfahamka caalamiga ah.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay taliyaha Ciidamada Milateriga Kenya

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo xilka la wareegtay 

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo xilka la wareegtay 

Guddoomiyaha Hay'adda Qaxootiga Qaranka oo xilka la wareegtay 

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In