Wednesday, June 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyey xuquuqda shacabka ee helidda biyo nadiif ah iyo Koronto qiimo jaban

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyey xuquuqda shacabka ee helidda biyo nadiif ah iyo Koronto qiimo jaban
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo sii wada kulamada la xisaabtanka Wasaaradaha, ayaa maanta su’aalo ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay iyo kuwa u qorsheysan wax ka weydiiyey  Wasaaradda Korontada iyo Biyaha.

Wasiirka Wasaaradda Korontada iyo Biyaha Mudane Jaamac Takhal Cabbaas, iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa  si faah-faahsan Ra’iisul Wasaaraha ugu soo bandhigay mashaariicda kala duwan ee wasaaradda uga hirgalay ballanqaadkii  Xukuumadda Dan-Qaran ee la xiriira halbeegyada Horutabinta leh adeegyada aas-aasiga ah.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyey masuuliyiinta wasaaradda in mashaariicda tamarta iyo biyaha ee ay maalgeliyaan hay’adaha caalamiga ah ay noqdaan kuwo ay si toos ah uga faa’iidaystaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo  tilmaamay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ahmiyad gaar ah siinayso in bulshadu ay helaan  biyo nadiif ah iyo koronto qiimo jaban.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku adkeeyey masuuliyiinta wasaaradda in dhammaan deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta la gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga ah ee dowladda, waxa uuna faray Wasaaradda in mudnaan gaar ah la siiyo ceelashii biyaha, maadama ay khawaarijtu ka burburiyeen.

Previous Post

ATMIS troops kill 2 Al-Shabaab terrorist in the Lower Shabelle

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo qaabilay madax ka socotay hay’adda Geneva Call

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo qaabilay madax ka socotay hay’adda Geneva Call

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo qaabilay madax ka socotay hay’adda Geneva Call

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In