Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Danjire Cabdullaahi Warfaa ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay hay’adda aan dawliga ahayn ee Geneva Call oo kala ah Mr Cumar Axmed iyo Mr Alexandre Munafo, waxayna hay’addu ka shaqaysaa arrimaha Beni’aadannimada, dhex-dhexaadinta, dib u heshiisiinta iyo badbaadinta dadka rayidka ah,
Safiir Wafaa ayaa dhankiisa la wadaagay masuulintan sida ay Dawladda Soomaaliya uga go’antahay soo afjaridda kooxaha argagixisada iyo horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasada Soomaaliya.
Madaxda hay’adda Geneva Call ayaa docdooda ballan qaaday in ay Dawladda Soomaaliya kala shaqaynayaan horumarinta arrimaha Beni’aadannimada, dhex-dhexaadinta, dib u heshiisiinta iyo badbaadinta dadka rayidka ah.