Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmed Nuur (Madoobe) oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska iyo dhammaan ehelada ay ka baxday Marxuumad Dhaqan Aadan Ducaale oo ah Hooyada dhashay Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) oo maanta ku geeriyootay Magaalada Muqdisho.
“Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo kan guud ahaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo hooyadiis marxuumad Dhaqan Aadan Ducaale maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho”. Ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.
Guddoomiyaha ayaa Alle uga baryay Marxuumada in uu janadiisa hoy uga yeelo, qoyska, ehelka iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed samir iyo iimaan ka siiyo.