Shir wata tashi Qaran ah oo uu iclaamiyay Madaxweynaha dalka mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ay ka qeyb geli doonaan madaxda hadda haysa hoggaanka iyo madaxdii hore ee dalka ayaa looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka, iyadoo lays weydaarsan doono talooyin ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee Qaranka.
Shirkan waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya, kaas oo socon doono muddo laba maalmood ah.
Inta uu socda kulanka, Madaxweynaha ayaa Siyaasiyiinta ka qeyb galeysa ka dhageysan doona aragtiyaha ku aaddan xaalada dalka, amniga , ciribtirka Khawaarijta, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka.