Friday, April 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Jordan oo ka wada hadlay la dagaallanka argagixisada

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Jordan oo ka wada hadlay la dagaallanka argagixisada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa kulan miro dhan ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Dalka Jordan Sarreeye Gaas,Yousef Huneiti iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ee dhanka difaaca.

Wasiirka ayaa markii uu gaaray Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka Jordan (JAF) waxaa la guddoonsiiyay shahaado-sharaf ciidan oo dhameystiran, waxaana salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka mid ah ciidanka Jordan.

Related posts

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026

April 24, 2026
Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

April 24, 2026

Wasiirka iyo taliye Huneiti ayaa ka wada hadlay iskaashiga milateri ee u dhexeeya ciidamada labada dal , iyagoo hoosta ka wada xarriiqay in Jordan iyo Soomaaliya ay leeyihiin dan guud oo lagu xoojinayo ammaanka, nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in dalkiisa uu sanado badan wajahayay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, taas oo caqabad ku ah amniga iyo xasilloonida.

Mudane, Jaamac ayaa taliyaha Ciidanka Dalka Jordan Sarreeye Gaas,Yousef Huneiti la wadaagay in Soomaaliya ay baahi degdeg ah u qabto in ay ka faa’ideysato khibradda Ciidamadooda ee ku aaddan la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta awooda ciidanka xoogga dalka, si loo cirib tiro kooxaha khawaarijta ee ragaadiyay nabadda Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweyne Biden iyo Zelensky oo ku kulmaya Vilnius

Next Post

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda 

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Dibada XFS oo ka hadashay Xaalidihii u dambeeyay ee Xiriirka Sacuudiga iyo Canada

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026

April 24, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

April 24, 2026
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

April 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa booqasho ku tagay degmada Xudur ee Gobolka Bakool, Wafdiga ayaa waxaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

April 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Mashruuca xoojinta adkeysiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In