Monday, December 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Jordan oo ka wada hadlay la dagaallanka argagixisada

caqiil by caqiil
2 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Jordan oo ka wada hadlay la dagaallanka argagixisada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa kulan miro dhan ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Dalka Jordan Sarreeye Gaas,Yousef Huneiti iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ee dhanka difaaca.

Wasiirka ayaa markii uu gaaray Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka Jordan (JAF) waxaa la guddoonsiiyay shahaado-sharaf ciidan oo dhameystiran, waxaana salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka mid ah ciidanka Jordan.

Related posts

TACSI:-Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

TACSI:-Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

December 7, 2025
Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Cunno Iyo Daawo Ah Gaarsiisay Deegaannada Sabiid Iyo Caanoole

Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Cunno Iyo Daawo Ah Gaarsiisay Deegaannada Sabiid Iyo Caanoole

December 7, 2025

Wasiirka iyo taliye Huneiti ayaa ka wada hadlay iskaashiga milateri ee u dhexeeya ciidamada labada dal , iyagoo hoosta ka wada xarriiqay in Jordan iyo Soomaaliya ay leeyihiin dan guud oo lagu xoojinayo ammaanka, nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in dalkiisa uu sanado badan wajahayay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, taas oo caqabad ku ah amniga iyo xasilloonida.

Mudane, Jaamac ayaa taliyaha Ciidanka Dalka Jordan Sarreeye Gaas,Yousef Huneiti la wadaagay in Soomaaliya ay baahi degdeg ah u qabto in ay ka faa’ideysato khibradda Ciidamadooda ee ku aaddan la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta awooda ciidanka xoogga dalka, si loo cirib tiro kooxaha khawaarijta ee ragaadiyay nabadda Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweyne Biden iyo Zelensky oo ku kulmaya Vilnius

Next Post

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda 

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Dibada XFS oo ka hadashay Xaalidihii u dambeeyay ee Xiriirka Sacuudiga iyo Canada

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda 

TACSI:-Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

TACSI:-Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

December 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala,...

Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Cunno Iyo Daawo Ah Gaarsiisay Deegaannada Sabiid Iyo Caanoole

Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Cunno Iyo Daawo Ah Gaarsiisay Deegaannada Sabiid Iyo Caanoole

December 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf...

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Kulan La Yeeshay Hoggaanka Bulshada Rayidka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Kulan La Yeeshay Hoggaanka Bulshada Rayidka

December 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka bulshada rayidka ah,...

Wasiirka dhallinyarada XFS oo la kulmay dhiggiisa Azerbaijan

Wasiirka dhallinyarada XFS oo la kulmay dhiggiisa Azerbaijan

December 6, 2025
0

Wafdiga ka socda Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa booqasho shaqo oo rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In