Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Guddiga Dib-u-daabacaadda Shilin Soomaaliga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Guddiga Dib-u-daabacaadda Shilin Soomaaliga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo kulan la qaatay Guddiga Dib-u-daabacidda Lacagta Shilinka Soomaaliga ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dib loo soo nooleeyo lacagta dalkeenna, si wax looga qabto sicir-bararka iyo nolosha adag ee ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay qorshaha Xukuumadda  #DanQaran ee dib u habeynta hannaanka Maaliyadeed ee dalka, iyadoo ay socoto dhismaha iyo howlgelinta xarummaha Bangiga dhexe ee dowlad-gobolleedyada, lana ballaarinayo latashiyada iyo hagidda daabicista lacag-ta uu yeelanayo dalkeennu oo ay door ku wada yeelanayaan dhammaan dowlad-goboleedyada dalka.

Related posts

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026

Dhankooda, Guddiga Hagidda Mashruuca Kal-kaal ee dib-u-daabicidda Shilin Soomaaliga ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin dhameystiran ka siiyey halka uu marayo mashruucani iyo caqabadaha jira ee u baahan in laga gudbo, si uu dalku u yeesho lacag cusub.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan Xaaladda Lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd ee lagu daabacay dalka Suudaan, hawlgalinta Xarumaha Bangiga Dhexe ee Dowlad Goboleedyada, iyo Qorshaha dhaw Dib u daabicidda lacagta Shillin Soomaaliga ah.

Previous Post

Eedeysaneyaal loo heysto dambiyo argagixisonimo oo la horgeeyaya Maxkamadda CQS

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay dhismaha Xarunta Dhallinyarada Galmudug

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay dhismaha Xarunta Dhallinyarada Galmudug

Madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay dhismaha Xarunta Dhallinyarada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026
0

Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa laashay natiijadii doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiillada Galmudug, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,...

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha...

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

August 24, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayey Arday dhamaysatay Daraasaadka Sare...

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

August 23, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehelinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In