Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 25-aad ee Guddiga Joogtada oo looga hadlayay ajandeynta hindise sharciyeedyada iyo heshiisyadda horyaala Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo uu goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad iyo dhammaan xubnaha guddiga ayaa waxaa uu guddiga cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ajendeynta hindise sharciyeedyaddii iyo heshiiskii la horkeenay.