Thursday, February 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo soo xiray tababarka kor u qaadista doorka gabdhaha saxafiyiinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo soo xiray tababarka kor u qaadista doorka gabdhaha saxafiyiinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka qeyb galay 30 gabdhood oo saxafiyiin ah oo ka hawlgala hay’adaha Warbaahinta gaarka ah iyo ururada saxaafadda, waxaa uuna socday intii u dhaxeysay 18-kii ilaa iyo 20-ka July, 2023.

Ka qeyb galayaasha ayaa qaatay casharro diiradda lagu saaray habka maamulka hay’adaha warbaahinta oo ay bixinayeen macalimiin qibrad u leh, waxaana ay isku weydaarsadeen doodo looga hadlayay caqabadaha iyo fursadaha gabdhaha ee hay’adaha warbaahinta.

Related posts

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

February 5, 2026
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka

February 5, 2026

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo tababarada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Marwo Fartuun Axmed Xasan ayaa sheegtay in u jeedka tababarkan soo idlaaday uu ahaa xoojinta doorka dumarka ee maamulka Warbaahinta.

“ Gabdhaha waa laf dhabarta Warbaahinta, waxaan tababarkan u qabanay in wadaagno muhiimada ay leedahay koru qaadista kaalintooda maamulka, waxaan rabnaa in gabdhaha fursadahooda kor loo qaado sida in ay hay’adaha warbaahinta ka noqdaan agaasin, tifaftir iyo Madax qeybeed, ayay tiri Agaaisme Fartuun.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaalle oo soo xiray tababarka ayaa kula dardaarmay gabdhaha saxafiyiinta ah ee ka faa’iidaystay tababarka in ay dhaqan galiyaan waxyaabihii ay ka faa’iideyn aqoon isweydaarsiga.

Agaasime Xayir ayaa sheegay  in Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay ka go’an tahay xoojin doonto kobcinta aqoonta iyo xirfadaha saxafiyiinta si gaar gabdhaha oo muhiim u ah.

“Tababarkan waxaan u qabanay in aan kor u qaadno oo muujino kaalinta gabdhaha ee maamulka Warbaahinta, waxaan rajeynayaa ina aad dhaqan galisaan wixii aad ka kororsateen, ka wasaarad ahaan waxaan rabnaa in tababarkan gabdhaha sii wadno waxaan gaarsiin doonaa dhammaan xarumaha dowlad goboleedyada maalmaha iyo todobaadyada soo aaddan, waxaa naga go’an kor u qaadista tababaridda iyo horumarinta  wariyayaasha si guud, si gaar ah gabdhaha oo muhiim u ah”

Ka qeyb galayaasha tababarka oo la guddoonsiiyay shahaadooyin muujinayay tababarka ay qaateen ayaa uga mahad celiyaay wasaaradda qabashada tababarkan oo ay sheegeen in wax badan ay ka kororsadeen  iyo macalimiinta bixiyay casharada aqoon isweydaarsigaan oo ay tilmaameen in ay u hagar baxeen intii uu socday.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan fogaan aragga ah la qaatay Agaasimaha IMF ee Soomaaliya

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS  oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS  oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS  oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

February 5, 2026
0

Muqdisho, Febraayo 05, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa si weyn...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka

February 5, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 05 Febraayo 2026:  — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa ayaa lagu soo...

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Kormeeray Suuqa Xoolaha

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Kormeeray Suuqa Xoolaha

February 5, 2026
0

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kormeer shaqo ku tagay Suuqa Xoolaha iyo xeryaha ay ku nool yihiin...

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti oo fagaare ah kula hadlay bulshada Balcad

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti oo fagaare ah kula hadlay bulshada Balcad

February 5, 2026
0

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti ayaa maanta fagaare kula hadlay bulshada iyo maamulka Degmada Balcad, iyagoo jeediyay dardaaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In