Monday, October 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Caddeynta Habraacii loo maray qaadashada macallimiinta Qaran 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Caddeynta Habraacii loo maray qaadashada macallimiinta Qaran 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maalmahaan waxaa baraha bulshada lagu faafiyay in Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka ay warbxin ka soo saartay macallimiinta wasaaradda ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, wararkaas oo sheegaya in musuq-maasuq uu ka dhacay howlaha macallimiinta.

Haddaba, Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka waxa ay halkaan ku caddeyneysaa in aysan sal iyo raad toona lahayn wararkaas laga faafiyay macallimiinta Hirshabeelle.

Related posts

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026

Habraaca qaadashada macallimiinta saddexda kun ee dhammaan dowlad goboleedyada xubanaha ka ah dowladda federaalka iyo gobolka Banaadir waxaa loo maray hab daahfuran oo loo simman yahay, waxaana gacanta ku hayey guddi si gaar ah loogu xilsaaray oo u madaxbannaanaa arrimaha qaadashada macallimiinta, si hufanna u maareeyay howshooda.

Habraacii qaadashada macallimiinta waxa uu maray heerar kala duwan oo ka koobnaa: Codsi online ah, hubin shahaaddooyin, imtixaanno qoraal iyo Af, iyo xallinta cabashooyinka ka imaanayey tallaabo kasta oo la qaaday.

Waxaa hadda dhammaan intii ka soo gudubtay habraacaas dhameystiran uu si habsami ah tababar uga socdaa xarumihii loo asteeyay oo kala ah: magaalooyinka Dhuusamareeb, Beledwyene, Muqdisho, Baydhabo, iyo Kismaayo.

Haddaba waxaan marlabaad halkaan ku caddeyneynaa in guddigii waday howsha qaadashadaasi ay ka madaxbannaanaayeen faragelin dhanka Dowladgoboleedyada ah.

Waxaan kaloo halkaan ku caddeyneynaa in uusan jirin wafdi kormeer ah oo ay Wasaaradda u dirtay dowlad goboleedka Hirshabelle oo ku saabsanaa arrimaha la xiriira macallimiinta, habraaca loo soo xulay macallimiinta Hirshabellena uu la mid ahaa kii ay soo mareen macallimiinta gobollada kale.

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa Wasiirrada waxbarashada dowlad goboleedyada iyo Madaxweynayaashooda oo taageero weyn la garab istaagay habsami u socodka howsha. Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe uu mar walba u taagnaa taageerada howshan.

Previous Post

Mudane Saadaad Maxamed oo daah furay Ansixinta Hindise Sharciyeedka Machadka Qaran ee Dowladda Hoose 

Next Post

Madaxweynaha Koonfur-galbeed oo isku-shaandheyn ku sameeyay Wasiirrada KGS

Next Post
Madaxweynaha Koonfur-galbeed oo isku-shaandheyn ku sameeyay Wasiirrada KGS

Madaxweynaha Koonfur-galbeed oo isku-shaandheyn ku sameeyay Wasiirrada KGS

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In