Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Maanta Shir Guddoomisay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 11aad oo uu wahlinayo Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow waxaana soo xaadiray 147 Xildhibaan.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa
1.Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Hubka ee Soomaaliya.
Intaasi Kadib Guddoomiye Sacdiyo yaasiin Xaaji Samatar ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeysay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday Ciidanka14ka octoobar ee ku sugnaa kulliyadda jaalla siyaad ee Magaalada muqdisho Waxayna alle ugu bariday inuu caafimaad taam ah siiyo Ciidankii ku dhaawacmay iyo sidoo kale ciidankii ku geeriyoodayna uu janadiisa fardowsa kawaraabiyo.
Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dhankooda aad ugu hadlay dhacdadaas waxayna carbaka ku adkeeyeen in baaritaan sax ah lagu sameeyo ciidankaasi lagu laayay xerada jaala siyaad ee Magaalada Muqdisho Guddina loo saaro si ay ugu soo tala bixiyaan dhacdadaasi.
Intaasi kadib Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Cali Doodishe Ayaa Xildhibaannada ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Hubka ee Soomaaliya, isigoo u sheegay in hindise Sharciyeedkan uu Dalka iyo dadka uu Muhiim u yahay loona baahanyahay xildhibaanada in ay Ahmiyad gaar ah siyaaan.
Xildhibaannada ayaa dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Hubka ee Soomaaliya Iyagoona Su’aallo kaweeydiiyay qodobo kamid ah Hindise Sharciyeedka uu wasiirka hor keenay xildhibaanada ayaa su’aalahooda iyo doododa u badneeyd toosin iyo talo soo jeedin ku saabsan Hindise Sharciyeedka Hubka ee Soomaaliya.
Guddoomiye ku Xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo soo xirtay kulanka maanta ayaa fartay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in uu ku wareejiyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka BJFS si ay talooyinka Xildhibaannada iyo turxaan bixintooda ay ugu soo biiriyaan si markale Xildhibaannada Akhrinta labaad dood ugu yeeshan.