Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Guddiga Olombikada ku amray in shaqada uu Ka Joojiyo Guddoomiyaha Xirriirka Ciyaaraha Fudud ee dalka Khadiijo Aadan Daahir.
“Wasaaradda waxaa u caddaatay in Nasro aysan ahayn ciyaar yahanad ka tirsan Oroddada iyo in Marwo Khadiijo ay sameysay ku takri fal awoodeed iyo sumcad dil Qaran” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda.