Thursday, October 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo tababar u soo xiray gabdhaha Suxufiyiinta ee Jubbaland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo tababar u soo xiray gabdhaha Suxufiyiinta ee Jubbaland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud, ayaa soo xiray tababar u soconayay muddo seddex maalmood ah gabdhaha saxaafadda ku jira ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Tababarkan, oo lagu baranayay sidii gabdhaha saxaafadda ku jira kaalin ugu yeelan lahaayeen maamulidda Warbaahinta dalka,  ayaa waxaa ka qeyb galay 30 suxufiyiin dumar ah oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Jubbaland.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

October 16, 2025
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ay iska kaashadeen qabsoomidda tababarkan Wasaaradaha Warfaafinta heer Federaalka Iyo Heer Dowlad Goboleed, ujeedkiisuna ahaa sidii gabdhaha saxaafadda ku jira aqoontooda kor loogu qaadi lahaa.

Agaasimaha xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Federaalka, mudane Cabdiraxmaan Axmed Xuseen  oo ka hadlay madasha xiritaanka ayaa ugu mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland sida wacan ee ay u soo dhoweeyeen, uguna shaqeeyeen isku keenida gabdhaha suxufiyiinta ah ee ka kala yimid deegaannada Jubbaland si ay uga faa’iidaystaan tababarka.

Cabdiraxmaan Maxamed Aadam (Koronto) La-taliyaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, oo ka mid ahaa macalimiintii tababarka, ayaa u kula dardaarmay hablihii ka qeyb galay dhaqan galinta wixii ay ka faa’iideen aqoon iswaydaarsiga, iyo u istaagidda muujinta xirfadda  iyo horumarka gabadhaha saxaafadda ku jira ee deegaanada Jubbaland.

Tababarkan oo ah kii seddexaad oo nuuciisa ah waxaa uu qeyb ka yahay tababarro Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee heer federaal ay ugu talo gashay gabdhaha Suxufiyiinta ah si kor loogu qaado doorkooda ka qeyb galka maamulka hay’adaha Warbaahinta dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.






Previous Post

Golaha Wasiirada oo meel mariyay sharciyo muhiim u ah dalka “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

October 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Soomaaliyeed ee maanta ay Golaha Shacabka ee...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudda dal-ku-galka, kaddib...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In