Wednesday, October 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hantidhawraha Qaranka oo sheegay inaan si wanaagsan loo maamulin lacagaha ay qabteen Safaaradaha qaar ee Soomaaliya

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Hantidhawraha Qaranka oo sheegay inaan si wanaagsan loo maamulin lacagaha ay qabteen Safaaradaha qaar ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hanti-dhowraha guud ee qaranka Mudane, Axmed Ciise Guutaale, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, kana hadlay  warbixin sanadeedka Hantidhawrka ayaa faah-faahin ka bixiyay baarista uu xafiiskiisa ku sameeyay qaar kamid ah safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dibadda.

Mudane, Axmed Ciise Guutaale, ayaa sheegay in baaristaan lagu sameeyay saddex safaaraddood ee Soomaaliya ku leedahay dalalka Kenya, Turkiga iyo Jarmalka, wuxuuna tilmaamay in lacagaha ay qabteen aan loo maamulin si wanaagsan, isla-markaana aan lagu darin warbixinta maaliyadda ee dowladda.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

“Dakhli dhan 1.9 mliyan oo ay qabteen hay’adaha kala ah safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Kenya, safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Turkiga iyo safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jarmalka ayaan loo maamulin si wanaagsan , looguna darin warbixinta maaliyadeed ee dowladda” ayuu yiri Guutaale

“Marka la eego khaladaadkaas hay’adaha ay baarista quseysay waxaa fikrad cilad leh ka bixiyay warbixinta baarista maaliyadeed ama xisaab xirka sanadka 2022 ee loo soo gudbiyay xafiiska hantidhowrka guud ee qaranka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guutaale.

Hanti dhowaraha waxa uu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay khaladaadka ay sameeyeen saddexda safaaradood, isaga oo xusay in baarista ay ku ogaadeen in aysan dhaqan-gelin xeerarka maaliyadeed ee loogu talagalay uruurinta dakhliga soo gala.

Xafiiska hantidhowraha ayaa guud ahaan cadadka lacageed ee ku maqan safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Kenya, Turkiga iyo Jarmalka ku sheegay illaa 3 miliyan oo dollar, taas oo uu tilmaamay in aan lagu shubin khasanadda dhexe ee dowladda.

Previous Post

Wasiirka Kalluumeysiga oo Shiinaha kala hadlay cusbooneysiinta Is-afgaradka Kalluumeysiga ee kala dhexeeya dalkaas.

Next Post

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo xafiiskiisa ku qaabilay Lataliye sare Xamse Warfaa 

Next Post
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo xafiiskiisa ku qaabilay Lataliye sare Xamse Warfaa 

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo xafiiskiisa ku qaabilay Lataliye sare Xamse Warfaa 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In