Tuesday, August 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka JFS oo Su’aalo waydiiyey Wasiirka caddaaladda oo maanta hortagay “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
August 7, 2023
in Wararka
0
Baarlamaanka JFS oo Su’aalo waydiiyey Wasiirka caddaaladda oo maanta hortagay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 14-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa u yeerida Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud iyo akhrinta 1-aad ee hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka, warbixinta akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Hantidhowrka Guud ee Qaranka iyo Heshiiska Dhismaha Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo marka hore khudbad ka jeediyay fadhiga Golaha ayaa Xildhibaannadda Golaha Shacabka uga cudur daartay maqnaanshihii daraad islamarkaana raali gelin ka bixiyay maadama Wasiirka loogu yeeray Shirka Amniga Qaranka. Dhanka kale Wasiirka ayaa Xildhibaanada warbixin ka siiyay hindise sharciyeedka uu hor keenay Golaha.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka aqbalay raali gelinta Wasiirka ayaa horay u galay ajandaha kulanka oo ahaa akhrinta 1-aad hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka Federaalka, waxayna ka doodeen sidii laga yeeli lahaa sharcigaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gunaanadka soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in sharcigan la soo aqriyo isla-markaana Xoghayaha guud faray in hindise sharciyeedkaan ku wareejiyo guddiga ku shaqada leh.

















Previous Post

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo xafiiskiisa kulan kula qaatay Lataliyaha Dimuqraadiyadda mudane Xamse Warfaa

Next Post

Duqa Muqdisho oo kormeeray qaar kamid ah Waddooyinka Caasimadda oo dhismooyin ku socdaan

Next Post
Duqa Muqdisho oo kormeeray qaar kamid ah Waddooyinka Caasimadda oo dhismooyin ku socdaan

Duqa Muqdisho oo kormeeray qaar kamid ah Waddooyinka Caasimadda oo dhismooyin ku socdaan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaka diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda ayaa ku...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

August 12, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo maanta qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

August 12, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga ka jaray afar waddo oo laami...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In