Wednesday, May 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka JFS oo Su’aalo waydiiyey Wasiirka caddaaladda oo maanta hortagay “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Baarlamaanka JFS oo Su’aalo waydiiyey Wasiirka caddaaladda oo maanta hortagay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 14-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa u yeerida Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud iyo akhrinta 1-aad ee hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka, warbixinta akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Hantidhowrka Guud ee Qaranka iyo Heshiiska Dhismaha Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo marka hore khudbad ka jeediyay fadhiga Golaha ayaa Xildhibaannadda Golaha Shacabka uga cudur daartay maqnaanshihii daraad islamarkaana raali gelin ka bixiyay maadama Wasiirka loogu yeeray Shirka Amniga Qaranka. Dhanka kale Wasiirka ayaa Xildhibaanada warbixin ka siiyay hindise sharciyeedka uu hor keenay Golaha.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka aqbalay raali gelinta Wasiirka ayaa horay u galay ajandaha kulanka oo ahaa akhrinta 1-aad hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka Federaalka, waxayna ka doodeen sidii laga yeeli lahaa sharcigaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gunaanadka soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in sharcigan la soo aqriyo isla-markaana Xoghayaha guud faray in hindise sharciyeedkaan ku wareejiyo guddiga ku shaqada leh.

Previous Post

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo xafiiskiisa kulan kula qaatay Lataliyaha Dimuqraadiyadda mudane Xamse Warfaa

Next Post

Duqa Muqdisho oo kormeeray qaar kamid ah Waddooyinka Caasimadda oo dhismooyin ku socdaan

Next Post
Duqa Muqdisho oo kormeeray qaar kamid ah Waddooyinka Caasimadda oo dhismooyin ku socdaan

Duqa Muqdisho oo kormeeray qaar kamid ah Waddooyinka Caasimadda oo dhismooyin ku socdaan

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In