Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo uu weheliyo Iskuduwaha Caafimaadka Degmada Gaalkacyo Cabdikariin Abshir Ciise ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka guud ee Deegaanka Dagaari ee hoostaga Gaalkacyo, isagoo kormeer ku sameeyay maayarku qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalku iyo shaqada ka socota , halkaas oo uu ku soo xiray wajiga koowaad ee Mashruuc Caafimaad oo muddo sideed bilood ah ka socday Deegaanka Dagaari.
Mashruucaan Caafimaad oo ay si weyn uga faa’iidaysteen bulshada deegaanka Dagaari ayaa waxaa fulinaysay hay’adda IMC oo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo Maamulka Degmada Gaalkacyo, waxaana maalgeliya sanduuqa SHF , kaasi oo uu isugu jiray nafaqayn , daryeelid iyo wacyi gelin Caafimaad.
Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa kaga mahadceliyay fulinta Mashruucaan hay,adda IMC, isagoo amaanay hawlwadeenada wasaaradda Caafimaadka Galmudug ee dhameystirka mashruucaan wajigiisa koowaad u dhabar adeegay, wuxuuna ka dalbaday hay’adda IMC in lasii wado mashruucaan oo looga faa’iideeyo bulshada deegaanka waji kale oo mashruucaan ka mid ah maadaama aysan wali daboolmin baahida caafimaad ee ka jirta Dagaari iyo deegaannada kale ee mashruucu ka socday.