Thursday, December 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bulshada deegaanka Dhinowda oo wajahaya dhibaatooyin ka dhashay isbeddelka Cimilada

caqiil by caqiil
2 years ago
in Wararka
0
Bulshada deegaanka Dhinowda oo wajahaya dhibaatooyin ka dhashay isbeddelka Cimilada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhinowda waa magaalo dhacda bariga gobolka Mudug ee bartamaha Dalka, waanna deegaan hoostaga degmada Jarriiban ee gobalka Mudug.

Dadka iyo duunyada ku nool deegaanka Dhinowda, waxaa saameyn xooggan ku yeeshay isbeddelka cimilada oo ah arrimaha ugu waa weyn ee sannadihii la soo dhaafay dunida la daalla dhaceysay.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

December 17, 2025

Magaaladan oo kulaasha Badweynta Hindiya, waxaa dhammaan duugmay guryihii ku yaallay deegaanka, sidoo kale dadkii degnaa ayaa badi isaga barakacay magaalada.

Warbaahinta qaranka oo u kuurgashay xaaladda deegaanka si ay Bulshada Soomaaliyeed ugu soo bandhigtay ayaa xaal wareysatay dadka deegaanka, iyagoo ka warbixiyay dhibaatada magaalada ka jirta.

Cawil sheekh Nuur oo ka mid ah odayaasha dhaqanka magaalada Shinowda ee bariga gobolka Mudug ayaa ka waramay saameynta isbeddelka cimilada ku yeeshay deegaanka.

” Deegaanka waxaa ka dhacay labo waxyaabood abaar, abaarta markii ay dhacday waxay keentay geedihii in ay dhammaadaan dhulka boor ka kaco, waddooyinka in ay aasmaan, labadaas qeybood waxaa keentay abaarta, dad waxaa weeye aan meel aadi karin, dad waxaa weeye xooligii miyiga abaari ay ka qaadday, waxaan adduun weynaha u sheegayaa in dadkan Dhinowda maanta in ay xaalad adag haysato,”.

Isbeddelka cimilada ayaa saameyn aan wanaagsan ku yeeshay bulshada ku nool magaalada Dhinowda ee bariga gobolka gobolka Mudug ee bartamaha Dalka.

Cabdiqaadir oo ka mid ah Jaaliyadda deegaanka ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in dadka iyo duunyada ku nool Dhinowda ay wajahayaan xaalad bini-aadanimo tii u darneyd.

” Hadda waxaan jooga qeyb ka mid ah magaalada oo la yiraahdo Diikooni, guryo badan sida Kaamirada ka arki doontaan baacad qariyay oo laga guuray oo baaba’ay baa meeshan kala kullanay, gediga kale ee barina waa laga soo barakacay oo bacaadka ayaa aad u saameeyay, dadka waxaad moodaa in ay dhinaca dhagaxa u baxeen, balse dhammaan guryihii deegaanka waa ay baaba’een,”.

Sidoo kale, Cabdiqaadir ayaa ugu baaqay hay’adaha maamulka iyo hay’adaha samafalka in ay gacan ka geystaan sidii dadka deegaanka oo xaalado adag wajahaya loogu gurman lahaa, islamarkaana loo gaarsiin lahaa adeegyada asaasiga ah ee ay u baahan yihiin sida caafimaad, waxbarasho iyo hooy ay ka galaan dhaxanta habeenka iyo cadceedda maalintii.

 

Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal Amni xaqiijin ah ka sameeyey qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe

Next Post

Dad ku waxyeelloobay Masaajid ku dumay

Next Post
Dad ku waxyeelloobay Masaajid ku dumay

Dad ku waxyeelloobay Masaajid ku dumay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa kulan miro-dhal ah...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

December 17, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo ka jirta deegaanada maamulkaasi....

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in guddigu uu bilaabayo daabulidda qalabka rasmiga ah ee lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In