Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo daah furay Mashruuca xalka waara “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo daah furay Mashruuca xalka waara “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha Puntland ayaa daah-furay Mashruuca Xalka Waara ee oo wax looga qabanaayo Fatahaada iyo daadadka kusoo rogmada Degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar,Waxaana kasoo qeybgalay madax ka socotay Gollayaasha kala duwan ee Dowlada,Maamulka Gobalka,Kan Dagmada Qardho wax garad kala duwan iyo Boqolaal ka mid ah Bulshada Dagmada Qardho.

Mas’uuliyiinta iyo Injineerada ku shaqo leh Mashruucan, ayaa munaasabadda kusoo Bandhigay sida loo maaraynaayo daadka kusoo rogmada magaalada.Waxaana wax xal waara ah loogagana baaqsan doono daadadkii dhibaatada badan ku hayay Magaaladaasi Qardho.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025

Guddoomiyaha Dagmada Qardho iyo Guddoonka Maamulka Gobalka Karkaar ayaa soo dhaweeyay qorshahan Dowlada ee Xalka waara loogu raadinayo fatahaadaha iyo Daadadka Xilli Roobaadka ee Dagmada Qardho iyagoona Bulshada Magaalada iyo deegaankaba ka Codsaday soo Dhawaynta iyo ka qayb qaadashada Barnaamijkaani.

Madaxweynaha ayaa muhiimad gaar ah siiyey sidii xal waara loogu heli lahaa daadka joogtada ugu soo rogmada Qardho xiliyada roobka, wuxuuna ugu baaqay dhammaan Bulshada Degmada in ay kala shaqeeyaan Dowladda dadaalka dowladnimo gaar ahaan Mas’uuliyiinta howlahan gacanta ku haya in lagu taageero wixii soo jeedin iyo farsamo shaqo ah ee qeybta ka ah qorshaha lasoo bandhigay Maanta.

Dagmada Qardho ayaa sanooyin badan waxaa dhibbaatooyin kala duwan u geysanayeen daadaka,dhibaatooyinka ayaa waxaa ka mid ahaa Naf maal iyo Burbur hantiyeedba ka dhaxashay Daadad iyo fatahaado wada jira oo ay sababeen xilli Roobaadyada kala duwan.







Previous Post

Xubno ka mid ahaa khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka ee ku sugay D.Diinsoor

Next Post

Baarlamaanka JFS oo maanta la horgeeyay sharciga Xuquuquqda Naafada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Next Post
Baarlamaanka JFS oo maanta la horgeeyay sharciga Xuquuquqda Naafada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Baarlamaanka JFS oo maanta la horgeeyay sharciga Xuquuquqda Naafada Soomaaliyeed "SAWIRRO"

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

October 15, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha...

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In