Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlaamaanka Soomaaliyab ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta cusub ee Jaamacadda Modern ku yeelanayso Gaalkacyo.
Munaasanada dhagax dhigga waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan iyo xoghayaha Dowladda hoose mudane Cabdiqani Maxamuud Axmed, xubno ka socday Maamulka Jaamacadda Modern iyo masuuliyiin kale.
Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa sheegay in Jaamacadda Modern kaalin muhiim ah kaga jirto horumarka Gaalkacyo , isagoo bogaadiyay horumarka ay Jaamacadda sameyaay iyo dhismaha xarunta cusub.
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Ahmed Macalin Fiqi ayaa bogaadiyay horumarka Waxbarasho ee ka muuqanaya Gaalkacyo, isagoo xusay in wax walba ay sababtay amniga iyo Nabad galyada loona baahanyahay in la sii xoojiyo
Wasiirka ayaa ugu danbeyn u mahadceliyay Maamulka Jaamacada Modern oo uu sheegay in ay hayaan shaqo loo baahan yahay iyo dadaal la xariira horumarinta Waxbarashada.